Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmad kaa oo ka dhacay hoyga madaxweyne Xasan Sheekh ee Mirnaayo.
Kulanka ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, dhameestirka heshiiskii ay la galeen xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Rooble kaa oo dalka ka maqan imika.
Sidoo kale madaxda ayaa kawada hadlay shirka loo ballansan yahay 20ka May iyo arrimaha la xiriira howlaha doorashada si uusan waqti dheer u lumin oo howlaha doorashada loogu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.