Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay iney hakad galisay dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha tagayay kana imaanayay dalka Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka ah.
Warbaahinta wadanka Kenya ayaa saaka ku warantay in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii Soomaaliya kala dhaxeeyay, iyadoona isla saakaba la hakiyay duulimaadyo aay kuso aadi lahayeen dad shacab ah gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in dowladda Kenya ay ku dhawaaqdo hakinta duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya aadayay iyo waliba kuwa ka imaanayay.