Madaxweyne Farmaajo iyo marwadiisa oo maanta u ambabaxay dalka ugandha

0
169

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.