Dhegeyso maamulka degmada afgooye oo is hortaag ku sameeyey dad rabey inay tukadaan salada ciida

0
156

Ciidamada Amaanka Degmada Afgooye ayaa waxay maanta joojiyeen Takbiirta salaada ciida oo ka socotay Masaajidyo ku yaalla Xaafadaha Qaar Degmadaasi.

Ciidamada ayaa tegay Xaafada If iyo Aakhiro & Baal guri oo,waxaana la xiray qaarkood maamulka Masaajidaasi.

Afhayeenka Booliska degmada Afgooye ayaa warbaahinta Usheegay in howlgalaasi ciidankooda fuliyeen.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Aweys C/llaahi Buulaloow ayaa dhankiisa sheegay in amar ka yimid Al Shabaab Masaajidaasi lasiiyey ay takbiirta ciida ku sameeyeen balse laga joojiyey.