Dowlada somaliya oo diidey ergeyga cusub ee dhawaan loo magacaabay inuu ka shaqeyo dhexdhexadinta labada garab

0
158

Soomaaliya ayaa diiday magacaabista iyo inuu dalka yimaado Wakiilka sare ee uu Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya, John Mahama, si uu u hogaamiyo wadahadalada dhexdhexaadinta arrimaha doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in aysan kalsooni ku qabin madaxweynihii hore ee Ghana sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay dowladda Kenya.

Warqad ku taariikheysan 10-ka May, ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdirisaaq wuxuu ugu sheegay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Mahamat, in Mahama aan lagu soo dhaweynayn Soomaaliya, imaatinkiisana uusan wax qiimo ah soo kordhineyn maadaama horeyba heshiis wada hadal loo galay.

Dowladda Federaalka waxay xustay inay kala laabaneyso taageerada Wakiilka Sare ee Midowga Afrika.