Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtey

0
168

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda Mudane yoweri Museveni.

Farmaajo oo Magaalada Kampala waxaa uu uga qeyeb galay munaasabadda Caleem-saarka Madaxweynaha dalka Uganda yoweri Museveni oo markii lixaad xilka loo dhaariyay, waxaana Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha ayaa intii uu Kambaala ku sugnaa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka.