Madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabeele oo u digey beelo halkaasi ku dagaalamay

0
129

Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa ka hadlay Colaad beeleedyada kusoo laab laab tay degaannada Maamulkaas, kuwaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Yuusuf Dabageed ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool degaannada Hir-Shabeelle inay ka waantoobaan Colaad Beeleedyada, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka lagu dhameeyo, sidoo kalena dagaal uusan waxba soo kordhineyn.

Waxa uu ka digay dagaal Beeleedyada soo laab laabtay, waxaana uu sheegay in kuwa dadka danta gaarka ah ka dhex raadinaya Colaada uu Alle ka dhex saaro si Bulshada ay Barwaaqo iyo bashbash ugu wada noolaadaan.