Xaqsoor-Caddaalad

0
384

Aduunka waxaa abuuray ILAAHAY, wuxuuna ku dhisay xaq iyo caddaalad, Isagoo (ILAAHAY) si cilmiyeeysan u tilmaamayana wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Qur’aanka KARIIMKA ah, Suuratul Axqaaf, aayadda saddexaad (3), wuxuuna yiri;

UMA AANAN ABUURIN SAMOOYINKA IYO ARLADA IYO WAXA DHEXDOODA AH XAQ MOOYAANE…

Waxaa kale oo uu ILAAHAY ku sheegay Suuratul RAXMAAN, aayadaha todobaad (7), sideedaad (8) iyo sagaalaad (9), wuxuuna yiri; IYO SAMADDA WUU KORYEELAY WUXUUNA DHIGAY MIISAANKA (DHEELITIR). SI AYDAAN UGU XADGUDBIN MIISAANKA. OOGA (JOOJIYA) DHEELITIRKA (CABIRKA) SI CADDAALAD AH HA LUMININA MIISAANKA. ILAAH wax baa og.

Intaasi waxay inoo caddeynaysaa in marnaba ILAAHAY uusan ogolaanaynin wax aan isku dheeli tirnayn oo dhinac u dheelinaya ama u janjeera haddii aynu nahay dad Muslimiin ah oo raacaya amaradii ALLAH iyo tusaalooyinkiisa oo uu meel walba inoogu muujiyay ama noogu tilmaamay.

Haddaba waxaa ayaamahan ka taagan dalka Soomaalida is maandhaaf iyo is diidid siyaasaasadeed oo ku qotoma fowda la sharciyeynayo oo qof walba iyo koox waliba waxay doonto akhrisa, dadkana u sheegaya inay iyagu sax yihiin, talooyinkooda iyo soo jeedintooduna ay ku qotonto Dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee la xiriirta. Laakiinse aan sidaa ahayn ee hadalkoodu uu yahay ama uu ku qotomo maah maahaha Soomaaliyeed ee leh; La jiifiyaa banaan, la joojiyaana banaan ama Ninkii xoog leh ayaa xaajo u dhamaatay, Miskiin ayaa miska la koro leh iyo Ku qabso ku qadi mayside. Intaas oo dhana waxay caddeyn u yihiin sida dhaqanka Soomalida uu raad weyn ugu leeyahy sharci iyo caddaalad diidka, ku xad gudubka xuquuqda dadka iyo xalaaleysashada boobka iyo dhaca hantida gaarka iyo midda guudba. Arrimahaas oo aan marnaba ka tarjumaynin, dhaqan Islaameed, danaha dadweynaha Soomaliyeed, una horseedaynin horumar, guul iyo gayi nabdoon oo ay kula tartamaan umadaha kale ee asaagooda ah.

Waxaa markhaati ma doonto ah in qaarba qaarka kale siday xujooyin iyo lug gooyooyin is daba taxan isugu maleegayeen ugu dambayntii ay ka badin waayeen inay ku noqdaan isla dhaqamadii ay asal ahaanba kasoo farcameen oo ah boob, dil iyo barakicin beelo nabdoon oo ay ka dambeeyso wax isu quurid la’aan iyo wax waliba aniga ayuu igu fiican yahay, cid kalena xaq u malaha inay sheegato ama yeelato, dad aan anaga ahayna go’aan kama gaari karo aayaha umadda soomaaliyeed, hoggaanka dalkana ma qaban karo.

Arrimahaasoo dhan oo caddaalad darrada ah waxay soo taagnaayeen inta dadka Soomaaliyeed magaca ahaan uu uga xoroobay maamuladii gumaystayaasha, markay is raaceen gobolladii waqooyiga iyo kuwii koonfureed, ka dibna ay yagleeleen Jamhuuriyadii Soomaliya sanadkii 1960kii. Waxaa hoggaankii talada dalka isku bedelay laba kooxood, kooxdii ugu horeysayna ay talada dalka haysay sagaal sanadood ilaa sanadkii 1969kii, halka kooxda kale ay maamulka dalka haysay kow iyo labaatan sanadood ilaa sanadkii 1991kii, hoggaanka labadaa kooxoodba waxaa badanaa mar waliba uu ku saleysnaa hab awood beeleed, inkastoo marna lagu magacaabayey nidaam dimuqraadi ah oo xisbiyo badan, marka kalena nidaam hantiwadaag oo hal xisbi kaliya dalka uu xukumo. Marka laga reebo magacyadaa nidaameed ee korka ka muuqday, waxa aan dadka marnaba ka qarsoonayn in labada marxaladoodba dalku lagu maamulayey nidaam beeleed oo kala sareyn ku dhisan oo ay qabyaaladduna sal u tahay, aadna raad weyn ugu yeelatay.

Kooxahaa dhaxlay hoggaanka iyo talada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay shacabka u qaybiyeen (a) Muwaadiniinta beelaha heerka (darajada) koowaad (Daarood iyo Hawiye) iyo (b) Muwaadiniinta beelaha heerka (darajada) labbaad (Dir, Dgail&Mirifle iyo Beesha shanaad). Kuwa heerka (darajada) koowaad isku sheegay ayaa isa siiyay ama maroorsaday taladii dalka, meesha kuwa kale ee ay ku shaabadeeyeen heerka (darajada) labaad aysan wax xuquuq ah ku yeelan talada iyo hogaanka dalka.

Taasoo durbadiiba keentay in muwaadininntii gobollada waqooyi ay ka godoodeen, faquuqii siyaasadeed ee lagu sameeyay, afgembina isku dayeen, inkastoo laga hortegay, lana dejiyay, laakiinse arrimihii ay ka gadoodeen aan waxba laga qaban.

Nidaamyadaa xaqdarrada ku dhisnaa waxay ugu dambayn dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed gayeysiiyeen burbur siyaaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho, oo abuuray barakac baahsan, kala damabayn iyo nabadgelyo la’aan, taasoo sababtay in dadka Soomaaliyeed qaarkood ay u qaxaan waddamada deriska iyo adduunka dacaladiisa kaleba. Dalkii Soomaaliyeedna uu u kala go go’ay gobollo iyo deegaano qabiileed, halka gobolladii waqooyiga Soomaaliya ay maamul gaar ah sameysteen, sheegeena inay ka go’een dalka intiisa kale, lana magac bexeen Jamhuuriyadda Dhulka Soomaali (Somaliland Republic). Waxaa xusuus mudan in arrinta ku saabsan kala go’a iyo bur burka ku dhacay qaranimada Soomalida la sii saadaalin karay muddo dheer ka hor, kolka loo eego siday wax ku socdeen, waxaana wax ka saadaaliyay maqaal lagu qoray wargeys xiliyeed (saddex biloodle) ahaa oo lagu macaabi jiray (Ethiopia Mirror), caddadkiisuna (Vol.2, No.3 ), soo baxay bishii Febraayo, sanadkii 1974kii, oo ka soo bixi jiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maqaalkaasoo cinwaankiisu ahaa (Ethio-Somali relation – Is there really a border issue?)

Muddo toban sanadood markii lagu jiray jahawareerkaa bulshadeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo mid nabadgalyaba, waxaa sanadkii 2000dii shir laysugu tegay dalka Jabuuti, si dib loogu soo celiyo kala dambeyntii iyo degganaashihii dalka iyo dadka Soomaliyeed, waxaa isla kooxihii mar kale ay afduubeen talooyinkii iyo maamulkii shirkii wadatashiga dalka Jabuuti, waxayna u leexiyeen in maamulka talada dalka lagu saleeyo qaab beeleed ku dhisan afar iyo bar (4.5) beelood, taasoo meel ayka jirto ama ay ku qoran tahay aysan jirin, sharci ILAAHAY iyo qaanuun dad sameeyayba, xad gudub iyo gef weyna ku ah bulshooyinka qaar oo la fogeeyay, xuquuqdoona lagu tuntay.

Waxaa taa xigay;

In shirkii Eldoret/Embagathi ee Kenya loogu qabtay Soomaalida lagu heshiiyay in dalka Soomaalida uu qaato nidaamka Federaalka, Nasiib darrose, waxaa isla durbadiiba maamul goboleed ka mid ah maamulada ka jira dalka ee ay degaan kuwa ka mid ah muwaadiniinta heerka (darajada) koowaad (Punland) uu sheegtay, welina sheeganaya inuu yahay mid mudnaan ka leh maamulada kale ee dalka, oo uusana kuwa kale la sinayn.

In isagana maamul goboleedyada dalka ka jira mid ka mid ah oo hal gobol iyo bar ka kooban, ay dhisteen ama loo dhisay kuwa kaloo ayagana ka mid ah muwaadiniinta heerka (darajada) koowaad (Gal-Mudug) ee dalka, meesha Cahdi Qarameedkii Federaalka iyo Dastuurka qabya qoraalkaba ay qabaan in laba gobol iyo wixii ka badan ay dhisan karaan maamul goboleed.

In maamul goleedyada mid ka mid ah ee ay degaan muwaadiniinta beelaha heerka (darajada) kowaad (Puntlnad) laga siiyay tiro ka badan inta xubno ama kuraas ay maamul gooleedyada kale ku leeyhiin Aqalka Sare ee baarlamaanka.

In kuwa ka mid ah muwaadiniinta beelaha heerka (darajada) koowaad (Hawiye) ay ku doodayaan in caasimada dalka ee Muqdisho ama gobolka Banaadir maamul goboleed iskiisa u taagan uu noqdo, oo deegaan ahaana ay iyagu xaq u leeyihiin, taladana ka go’do, xubnaha ama kuraasta uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku yeelanayana ay noqdaan saddex iyo toban (13), tiradaaso ah mid ka badan inta ay maamul goboleedyada kale aqalka ku leeyihiin, iyadoo Aqalka Hoose ee Baarlamaankuna uu ansaxiyay, Madaxweynaha Jamhuuriyaddana uu saxiixay, meesha dadyow kale oo badan oo ka soo jeeda gobolka ay jiraan oo ka mudan, xaqna u leh aaya ka talinta Caasimada ama gobolka Banaadir.

In hadda mar kale ay taagan tahay in wadatashiga masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay isku keli yeeleen, iskuna haystaan isla horboodka iyo hoggaamiyeyaasha kuwa isu haysta inay yihiin muwaadiniinta beelaha heerka (darajada) koowaad (Daarood iyo Hawiye) ee magacyada ay isticmaalaan ay ka mid yihiin SAAMILEYDA SIYAASADDA iyo kuwa kaleba, iyagoo haddana mar walba ku andacoonaya in loo baahan yahay; HESHIIS WADAR OGOL AH, taasi oo aan dhab ahayn, maxaaa yeelay waxay aaminsan yihiin in saamiyada siyaasadda iyo hoggaaminta dalkuba ay iyagu gaar u leeyihiin, waxaana tusaalle inagaga filan, in kullamada iyo doodda socota ee xalka loogu raadinayo aysan qayb ka ahayn, doorna ku lahayn inta lagu shaabadeeyay muwaadiniita beelaha heerka (darajada) labaad ( Dir, Digil&Mirifle iyo Beesha shanaad) ee xaqdarrada ah, ka maamul ahaan iyo beelo ahaanba, sida reer Koonfur Galbeed, reer Somaliland iyo Beelaha shanaad oo iyagu marnaba aan la soo hadalqaadin, oo ay intuba yihiin kuwa dheelitiri kara dheeliga ku jira xal u helidda dhibaatada Soomaalida ee cuslaatay, dhisida hoggaan lagu kalsoonaan karo iyo maamul dawladeed wanaagsana door weyn ka ciaayri kara.

Intaasoo dhana waxay baal marsan yihiin, kuna xad gubayaan Cahdi Qarameedkii ku meel gaarka ee Federaalka iyo Dastuurka Qabya qoraalka ee hadda jira, iyagoo maalin walbana la soo taagan qawaaniita dalka ayaa la hareer maray, waana iyaga kuwa had iyo jeer ku xadgudba, si joogta ahna u hareer mara in lagu dhaqmo wixii lagu heshiiyay, doonaynina in dastuurka dalka la qabya tiro, tirakoob sax ahna dadka Soomaliyeed lagu sameeyo, ka dibna dastuurka afti loo qaado, maxkamad dastuuri ahna dalka uu yeesho, si is qab qabsiga siyaasadeed iyo midka qaanuuneedba looga baxo.

Haddaba sidee xal iyo heshiis waara looga gaari karaa dhibaatooyinka ka taagan gayiga Soomaalida?

Waxaan filayaa in hadda ay tahay waqtiga ugu mudan oo ugu haboon ee talo loo dhan yahay ay ka yeelan lahaayeen qaybaha Soomaalida oo dhan, iyadoo dad gaar ah aysan isku keli yeelin talada dalka, madaama soddon sanadood oo maamul xumo iyo soddon kale oo fowda ah lagu soo dhex jiray, dadka Soomaliyeedna ay ka daaleen horumar la’aanta iyo raja beelka ka taagan hoggaanka iyo maamulka siyaasadda dalka Soomaalida, kuna socda in lagu noqdo meeshii laga yimid iyo meel kasii fogba, taasoo gobolka geeska Afrika oo dhana saameyn weyn ku yeelan karta.

Sidaa darteed waa in shirarka masiiriga ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee haatan lagu hawlan yahay la balaariyaa, ayna ka wada qayb galaan aqoonyahanka, indheer garadka, culmaa’udiinka iyo hoggaamiye dhaqameedka umadda Soomaaliyeed ee tix raaca (marjaca) u ah, iyadoo dhinac maamul iyo beelaba loo dheelitirayo, reer (Somaliland) na inaysan shisheeye ama marti ka noqon geedi socodka xal raadinta iyo qaabeynta siyaasadda mustaqbalka Soomaalida, aragti kastoo ay qabaanba, gooni isu taag ama is wada raac, si masiirka umadda Soomaaliyeed dad kooban oo sheeganayo inay iyagu saami u leeyihiin maamulka siyaasadda uusan gacanta ugu gelin, wadatashiguna uu noqdo mid ay cid waliba wax ku yeelato, si loo helo marin badbaada ah oo dadka Soomaaliyeed u horseedayo nabad waarta, horumar iyo deggenaansho siyaasadeed mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Ahmad Sheekh Cusmaan Suldaan
Balshafe@gmail.com