Reysulwasaaraha xukuumada federaalka oo ka qeyb galey caleemasaarka madaxweynaha jabuuti

0
98

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro ay kamid yihiin wasiirka Dhalinyarada Gargaarka, Maareynta iyo musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale iyo Xubno kale.

Sidoo kale Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, kuwaas oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo.