Waaladiin ay caruuri ka maqan tahay oo maanta ku banan baxay taalada daljirka dahsoon

0
86

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidiin sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruur ay dhaleen uga qaaday dalka Ereteriya si loo askareeyo, hasayeeshee ay la’yihiin muddo dhowr sano ah.

Waalidiinta oo isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ay sheegeen in Carruurta qaarkood, iyaga oo aan ogeyn ay dowladda Soomaaliya si qarsoodi ah diyaarad uga qaaday magaalada Muqdisho, isla markaana nolol iyo geeri aysan ku heyn mudana aysan la soo hadlin.

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta inay Carruurtooda dib ugu soo celiyaan ama hadal siiyan.

Waxaa ay ku eedeeyeen Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin in uu ka dambeeyay in Carruurtooda loo qaado dalka Ereteriya, waxaana si deg deg ku dalbadeen in Nolol iyo Geeri Carruurtooda ay meel ku sheegaan.