Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Go’doon galiyey magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Maamulkaas oo ku sugan magaalada Jowhar.
Wasiirka gar gaarka maareeynta iyo masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Mahad Cabdullaahi Qoorgaab, ayaa sheegay in Magaalada jowhar ay ku sugan tahay xaalad adag kadib fatahaada Wabiga oo jaray dhamaan wadooyinkii soo galayey Magaalada.
Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sidoo kale tilmaamay in in kabada 40kun oo Qoys ay ku barakaceen fatahaada, isla markaana wali dhibaatadu ay tahay mid taagan.
Inta badan wadooyinka soo gala iy kuwa ka baxa Magaalada Jowhar ayaa waxaa degay Biyo farabadan, waxaana maalmihii la soo dhaafay Magaalada Jowhar aan gelin wax Gaadiid ah kana soo bixin, iyada oo maciishada noocyadeeda kala duwan ay aad u qaaliyoowday.