Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay gubeen tuulooyin ku yaal Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaal beeleedyo.
Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah tuulada Bacaad Buuko, halkaas oo meel u dhow ay isku hor-fadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay, kuwaas oo kulamo lagu xalinayo ay ka socdeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa jira khasaaro kala duwan gaar ahaan burbur hantiyadeed, iyada dadka tuulada la gubay ku nool ay bilaabeen inay isaga barakacaan sababo la xiriira in anooyin qabiil loo dilo.
Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku baxay xiisada ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.