Maamulka Jubaland oo soo dhaweeyey shirka uu iclaamiyey reysulwasaare rooble

0
159

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay mawqifkooda ku aadan shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo la filayo in uu dhawaan Muqdisho ka furmo.

Wasiiru dawlaha madaxtooyada Jubbaland Xersi Jaamac Gaani ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweeyneyso qabsoomida shirka, isaga oo raja wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ra’iisul Wasare Maxamed Xuseen rooble laga doonayo in uu cadeeyo in Ummadda Soomaliyeed uu dhex dhexaad u yahay lagu kalsoonaado dhankoodana ay dadaal weyn gelin doonaan sidii Soomaliya wadada saxda ah ugu soo noqon laheyd.