Ciidamada dowlada oo maanta howlgalo ka sameeyey degmada jowhar

0
158

Ciidamada Haramcad ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay ay Magaalada Jowhar ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo Maleeshiyaad macawiisleey ah oo soo weeraray, kuwaas oo ka careeysnaa xarig Maamulka Hir-Shabeelle uu u geystay taliyahooda.

Ciidamada Haramcad oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka lagu arkay Xaafadaha qaar iyo wadooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar.

Xaalada Mahaalada Jowhar ayaa haatan ah mid degan, waxaana saaka si caadi ah u Shaqeeynaya dhamaan Goobaha Ganacsiga oo badankood shalay xernaa.