Qaramada midoobey oo ugu baaqdey siyasiyiinta somaliyeed tanaasul iyo is afgarad

0
64

Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirrigelisay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada.

Wakiiladda Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay.

“Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahan yahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirka wadatashiga doorashooyinka oo raysal wasaaruhu hormuudka u yahay oo maanta lagu waday inuu qabsoomo ayay u muuqataa inuu dib u dhacayo.