Ergeygii midowga afrika usoo magacowdey dhexdhexaadinta kooxaha isku heysta siyasada somaliya oo iska casiley xilkaas

0
64

Madaxweynihii hore dalka Ghana ,John Dramani Mahama ayaa warqad uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku sheegay inuu iska casilay magacaabista Wakiilkii Sare ee dhex dhexaadinta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa aqbalay warqadda uu u qoray John Mahama ee uu ku sheegay inuu isaga tagay xilkii loo magacabay.

Mahama oo magacaabistiisa ay si wadajir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuuu u sheegay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, in taageero la’aanta Dowladda Soomaaliya ay khatar gelin karto rajada nabada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan warqad ay u dirtay midowga Afrika waxay ku diiday ergayga loosoo magacaabay dhexdhexaadinta doorashada, iyadoo ku eedeeysay inuu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Kenya.