
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan iswareysi ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho gaaray.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimoow ayaa sheegay in kulankan uu hordhac u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u dhammeystirtay diyaargaroowga ku aaddan qabsoomidda shirkan muhiimka u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo hirgelinta heshiiska doorashooyinka.
Kulankan ayaa lagu wadey in uu furmo maalintii shaley balse sababo jira darteed ayuuna u baaqdey walow aan weli la sheegin maalinta saxa ah ee uu kulanka furmi doono.