
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Dhamman madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shirkaan ka qeyb galaya, waxaana looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17 september.
Qodobada shirkaan looga dooddidoono waxaa kamid ah guddiyada doorashada ee lagu muran sanyahay, arrinta gobolka Gedo iyo amniga doorashada.
Waa shirkii ugu horeeyay ee raysal wasaaruhu shir guddoominayo kadib markii kowdii bishaan May uu madaxweyne Farmaajo raysal wasaaraha ku wareejiyay hoggaaminta doorashada.