Mareykanka oo soo dhaweeyey shirka ka furmey magalada muqdisho

0
92

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee uu shirka uga furmay Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho.

Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka.

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraalkii maalimn kahor ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ee madaxda Soomaaliya looga digay inay lumiyaan fursdadan.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.