Shirka ka socda afisiyooni oo si horudhac ah loogu heshiiyey qodobo dhowr ah

0
132

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoominaya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa jira warar hoose ee na soo gaaraya kuwaasi oo sheegaya in qaar kamid ah qodoba qaar la isla meel dhigey, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn.

Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey ayaa waxaa kamid ah:

1- Guddiyada Doorashada: Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay, islamarkaana uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay, loona wada dhan yahay

2- Gedo: Waxaa muuqata in uu jiro tanaasul ku aadan gobolkan, ayada maamulka Jubbaland lagu wareejinayo maamulka doorashada, ama meesha laga saaro, ayada doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta, taasi oo noqoneysa Kismaayo.

3- Arrinta Somaliland: In guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo, taasi oo meesha ka saareysa saameyntii Villa Somalia.

4- Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee federaalka iyo mamaul goboleedyada, oo ay wehliso AMISOM