Wasiirka wasarada amniga oo sheegey in ay diyaar u yihiin sugida amniga doorashooyinka

0
99

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in Guud ahaan laamaha Amniga Soomaaliya ay u diyar garoobeen sugida Amniga doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in ay kulamo gaar gaar ah yeesheen saraakiisha kala duwan ee lamaha Amniga Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed, isla markaana uusan jirin xilligaan shaki dhinaca amniga ah.

Sidoo kale waxaa u Wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in Hay’adah Amiga dowlada Soomaaliya ay mar hore u diyar garoobeen qorsha sugida amniga, balse ay ka warsugayaan heshiiska ay gaaraana Madaxda dowladda eek u shirsan Teendhada Afisiyooni.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shirka ka socda Muqdisho uu ku furmay si kujirto kalsooni amni kana duwan shirarkii hore ee looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka.