
Wararka aynu ka heleyno magalada baydhaba ayaa sheegaya in xaley halkaasi bam gacmeed lagu weerarey ciidamo ku sugnaa bar koontarool kaasoo geystey qaasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa lagu qaaday Bar koontarool oo aay ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin Isgoyska Boqoleyda oo ku yaala xaafada Bardaalle ee magaalada Baydhabo, waxaana weerarka Bambaanada kadib la maqlay rasaas xoogan .
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 2 qof oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay iney ku sugnayeen goob jaadka lagu iibiyo oo aad ugu dhaw Barta koontarool ee la weeraray.