Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaarad sida Ciidamo ka tirsan Guutada Gorgor ee Kumaandoosta Soomaaliya ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaaladadhuusamareeb, isla markaana ay soo dhaweeyeen Saraakiil Ciidan.
Ciidamada oo gaaraya in ka badan 50 Askari ayaa wararka aan helnay waxaaa ay sheegayaan in ujeedka loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb ay tahay sugida Amniga doorashada Xildhibaannada labada Aqal oo halkaasi lagu qabanayo.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta u sheegay in la dejiyay Xero ku taal Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Ciidamada ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.