Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaasoo bishiiba mar qabsooma.
Kulamadaasi bishii mar qabsooma ayaa inta badan waxaa diirada lagu saaraa xaaladda Amniga guud ee deegaannada Jubbaland.
Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, kuwa Xooga Dalka iyo ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.
Waxaana kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubbadda dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Jubbaland iyo u diyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka qaybta kaga aaddan Jubbaland.