Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaallka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo sanadihii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn.
Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Imaaraadka kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo degaannada hoostaga.