Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee xariga laga jaraayo dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay sida qorshuhu ahaa in dhismaha wadada xariga laga jaro bishii Febraayo ee sanadkan 2021 balse sababo amni ay u soo gaartay in ilaa xiligaan inaan la dhameystirin dhismaha wadadaasi oo marxalado kala duwan soo martay, isagoona sheegay in haatan ay mareyso meel gabagabo ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha wadada haatan uu maraayo heer gabagabo ah lana gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, islamarkaana xarigana laga jari doonaan sida qorshaha dowlada uu yahay mudo 60 maalmood gudahood.
Si kastaba arintu ha ahaatee dhismaha wadadan 27 km millir ayaa waxaa ay soo jiidmeysay in mudo ah taasoo ay sabab u eheyd amni darada baahsan ee ka jirta dhamaan wadooyinka gala ama ka baxa deegaanada koonfur galbeed.