Waalidiin caruurtooda weysan oo banaan bax ka dhigay magalada muqdisho

0
188

Mudaharaad loogasoo horjeedo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Eritrea tababar ciidan loogu qaaday kadibna laga qeyb galiyay dagaalada waqoooyiga Ethiopia ka socda ee lagula jiro ciidamada Tigrayga ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Waalidiinta dhalay dhalinyaradan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaliya in ay Itoobiya heshiis kula gashay in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda dalkeeda ee loogasoo horjeedo jabhadda TPLF.

Mudaharaadkan ayaa ka dhashay warbixin kasoo baxday qaramada Midoobay oo lagu xaqiijinayay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar ku qaatay Eritrea ay ka dagaalameen Ethiopia.

Waalidiinta oo dareen carro leh uu ka muuqday ayaa dowladda si degdeg ah uga dalbaday in carruurtooda loosoo celiyo, waxayna tilmaameen in la qiyaanay oo ilmahooda been loo sheegay.