Wasarada caafimaadka oo sheegtey in la bilaabay wejiga labaad ee talaalka covid 19

0
75

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid 19.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda,gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam,kaas oo WHO ay u aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ee qaadashada tallaalkaan la siinayo Shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada, Shaqaalaha Dowladda Hoose, llaallada Kontroolada laga soo galo ee Dalka, dadka da’dooda ka sareyso 50 sano lyo dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka, Dhiig Karka, Wadno Xanuunka, kalya Xunuunka.