Xaqsoor mase Meerto-Meerto?!

0
243

Waxaa 27ka bisha Maajo 2021ka heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho sidii loo hirgelin lahaa qabashada doorashooyinka dadban ee qaranka, kaasoo ay ka wada qayb qaateen dawladda Federaalka, Maamul-gobleedyada dalka ka jira iyo Maamulka gobolka Banaadir. Waxaana uu heshiisku tixraacayaa heshiis hore ay u gaareen isla hay’adahaa maamulka bishii sebteembar 17keeda sanadkii 2020ka.

Heshiiska badankiisa waxa ku xusan waa arrimo ay isku haysteen dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada oo ku saabsan sida loo maamulayo doorashooyinka dadban ee la qaban doono, cidda maamulaysa iyo sida amaanka doorashooyinka loo sugayo, inkastoo aysan caddeyn sida ay nabadgelyo ku heli karaan ergooyinka ka qayb qaata doorashada dadban, sidii horeba u dhacday in dadkaa ay khataro badan wajahayaan, kuwa badana naftoodiiba ku waayey, cid badbaadadooda iyo nabadgelyadooda iska xilsaartayna aysan jirin.

Maadaama doorashadu aysan ahayn mid dadweynaha Soomaaliyeed si toos ah ay codkoodu u dhiibanayaan, oo kuraasta baaramaanka loo cayimay in codadkoodu ay dhiibtaan boqol iyo kow qofood oo metelaya kursi kasta qabiilka ama Jufada ku magaacaaban kow iyo labaatankii sanadood ee ugu dambaysay, inta lagu soo jiray dawladihii ku meelgaarka iyo kuwan rasmiga lagu sheegay ee ka dambeeyayba.

Nidaamka wax lagu qaybsanayey sanadahaa oo dhan wuxuu ahaa afar beelood iyo bar (4.5), taasoo ah mid aan xaq ahayn oo caddaalada ka fog, in dad ama beelo Soomaliyeed si gaar ah loo faquuqo, oo aan lala simin beelaha kale ee walaalahooda ah, loona baahnaa in habkaasi wax laga bedelo, haddana aan meelna arrintaa looga xusin heshiiska laga gaaray doorashooyinka, maadaama doorashooyinka ay yihiin kuwa dadban oo hab qaybsi beeleed wax lagu soo dooran doono. Meesha qodobka 5aad ee heshiiska uu dhigayo Ilaalinta qoonddada haweenka, oo aan ahaynba wax u baahan in si gaar ah loo xuso, maadaama uu dastuurka si siman u sugayo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo aan kala sooc lahayn, sida ku tilmaaman Cutubka 1aad, qodobkiisa 15aad, faqraddiisa 1aad.

Waxa meesha ka maqan oo laga gaabiyayna waa sinaan la’aanta xagga beelaha ama qabaa’ilka Soomaaliyeed oo mid ka mid ah bar (1/2 ama 0.5) lagu sheegay, iyadoo arrintaasina ay qodobo dastuuri ah ka horimanayso, maxaa yeelay dastuurku wuxuu dhigayaa; Cutubkiisa 1aad, Qodobka 1aad: Soomaaliya waa Jamhuuriyad leh gobannimo, federal ah, kuna dhisan matilaad dadweyne oo loo siman yahay. Isla Cutubka 1aad, Qodobka 15aad, Faqradda 1aad; Muwaaddiniinta oo dhan, iyaga oo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, midab, af ama lahjad toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.

Waxaa haddaba qodobadan ku idil, kuna cad u sinaanta xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan, markaa ilaalinta xuuuqda qayb ka mid ah muwaadiniinta in heshiiska lagu soo qaato, meesha qayb kale oo ka ah hal beel, marka shan beelood loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeedna waa bar ama nus (1/2-0.5) la yiri, xuquuqdooduna maqan tahay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, aysana heshiiska ka muuqan, cid isku isku soo qaadayna aysan jirin.

Waxay kaloo arrintaasi lidi ku tahay sida uu qabo isla Dastuurka Cutubkiisa 1aad, Qodobka 4aad, Faqradda 1aad;

Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

Meesha heshiiska la gaaray lifaaqiisana lagu sheegay; Khariiddada Tubta dhameytirka dhismaha dawladnimada Soomaaliya, qodobka 1.4; Ilaalinta Dastuurka.

Waxaa kaloo nidaamkaas xaq darrada ah uu ka horimanayaa isla Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay

Qodobka 2aad, Faqradda 1aad;

Islaamku waa Diinta Dawladda.

Isla Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, Faqradda 1aad, waxay leedahay;

Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.

Sida qodobadan kor xusan ay tilmaamayaan in Dastuurku uu ku saleysan yahay Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Nabiga (NNK) markaa Islaamku wuxuu qabaa in la raaco sida ku cad Suuratul Xujuraat (49) aayadda 13aad; Dadow waxaan idinka beernay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay shacbiyaalo iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, kan ugu shraf badan ILAAHAY agtiisa waa kan idinkugu dhawrsasho badan… iyo Nabigana (NNK) waxaa laga maqlay isagoo leh; Muslimiintu waa walaalo, midna midka kale kama fadli badna taqwada (ALLAH ka cabsiga) maahane.

Markaa haddii dastuurkii wuxuu ku salaysnaa iyo nidaamka awood qaybsiga soomaalida (afar beelood iyo bar-4.5) aysan is waafaqasanayn, iyadoo dastuurkuna uu yahay Heshiis Bulsho oo lagu ballamay, ballantuna ay tahay in la fuliyo siduu ILAAHAY dadku ku amray, Suuratul Maa’idah (5), aayadda 1aad; Kuwa (xaqqa) rumeeyayoow oofiya (fuliya) ballamada …

Haddii la fiiriyo sida ay wax u socdaana ay ka horimanayso wixii lagu ballamay, sow ma noqonayso, tan ILAAHAY Qur’aankiisa Kariimka ah ku leeyahay; Suuratusaf (61), aayadda 2aad; Kuwa (xaqqa) rumeeyayoow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin.

Sidaa darteed waa in dib loo eegaa, looguna noqdaa habka awood qaybsiga dulmiga iyo gardarrada ku dhisan ee Soomaalida isku dulmisay

labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, si simana oo xaq ahna beelaha Soomaaliyeed ee shanta ah ay awooddaha siyaasadda iyo maamulkuba u qaybsadaan.

Haddii sidaasi ay dhici weydana, waxaa ka dhalan doona in arrimaha umadda Soomaliyeed ay iska daba meeraysi ma dhamaato ah noqdaan, ILAAHAY carradiisana ku sii korodho.

Dhinaca amaanka doorashada gaar ahaan ergooyinka ka qaybgelayo si loo badbaaadiyo, nabadgelyadooda inta doorashadu ay socoto iyo mustaqbalkaba, waa in ay dawladda qaybaheeda kala duwan masuu’uuliyad iska saaraan, gaar ahaan mas’uuliyiinta hay’adaha nabadgelyda, iyadoo la heli karo hab iyo nidaam sahlan oo lala kaashan karo farsamada casriga ah, oo ergooyinka lagu diiwaan gelin karo, ay codkooduna ku dhiiban karaan meel kastoo ay joogaan si kahatar la’aan ah, taasoo weliba horseedi karta in kalsooni ay ku qabi karaan dadka u tartamaya heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo maamulka dalkaba.

Axmad Suldaan
Balshafe@gmail.com