Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dhalinyaradii dowladda Soomaaliya tababarka Ciidan ugu qaday dalka Ereteriya, balse la sheegay in laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Dhalinayradaas markii hore si qiyaano ah loo qoray, hayeeshee dano kale oo siyaasadeed loo adeegsaday, isla markaana la iibsaday.
Waxaa uu sidoo kale Xasan Sheekh sheegay in marar badan ay maqlayaan in Dhalinyaradaas la geliyay dagaalkii ay Itoobiya Waqooyiga dalkaas kula gashay Kooxda TPLF, isla markaana Madaxda dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka siinin Waalidiintooda oo maalin walba walaac muujinaya, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dowlada inay cadeeyaan, tirade Dhalinyarada la qaaday, halka ay ku dambeeyan iyo waqtiga la soo celinaayo.