Dad xaley lagu diley magaalada dhuusamareeb

0
192

Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa seddax qof lagu dilay bartamaha magaalada, halka ugu yaraan laba qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadkaan oo dhamaantood rag ah ayaa lagu rasaaseeyey goob ay ku sugnaayeen oo qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada.

Dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay Raga geystey dilka in ay ku hubeysnaayeen qoryo AK-47 ah ilaa iyo hadana lama garan heebtooda iyo sababta keentey in dhibkaasi geystaan.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa haatan gudaha magaalada ka wada howlgalo balaaran oo lagu baacsanaayo ragii fuliyey weerarka khasaaraha nafeed geystey.