
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaabab dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo soo dhaweysay dib u furitaanka Kenya ee hawadeeda, ayaa sheegtay in tilmaanta wanaagsan ee ay muujisay Nairobi ay tahay bar bilowga wada xaajoodyada looga gol leeyahay in si caadi looga dhigo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii Kenya ay ka qaaday xayiraadii saarneyd muddo bil ku dhow oo ay saarneyd duulimaadyada aada ama ka baxa Soomaaliya, taas oo la geliyay iyadoo uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah.
Kenya waxay sheegtay in dhamaadka xayiraada ay tahay tilmaam niyad sami ah iyadoo rajeynaysa inay u horseedi doonto xiriir caadi ah oo ay la yeeshaan Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda sheegtay in dib u furista hawada ay tahay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday hannaanka sare loogu qaadayo ganacsiga, isgaarsiinta iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.