
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka somaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay hirgelinta doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha, Gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha & xakameynta caabuqa Covid-19.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyar u tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageerto hirgelinta doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sida ay ula Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.