
Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobey oo ka hadlayey macluusha baaxada weyn ee ka jirta deegaanada tigreega in ay tahay mid lagu qasbey oo ay taasoo sababtey ay ay dab badan ay soo ridato.
In ka badan 350,000 oo qof kana mid ah ku dhowaad 6 milyan oo Tigree ah ayaa ku nool xaalado macluul ah, sidaasina waxaa lagu sheegay xog ay falanqeeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah oo ay Khamiistii warisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ku dhowaad 2 milyan oo kale ayaa hal tallaabo u jira xaaladdan oo kale ayay sheegeen hay’aduhu. Laakin Ethiopia ayaa dood ka keentay qiyaasahan.
Qaar ka mid ah erayadiisii ugu adkaa ee uu jeediyo tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayuu sarkaalka ugu sarreeya QM ee arrimaha bini’aadanimada, Mark Lowcock, wuxuu ku eedeeyey ciidamada Eritrea “in ay isku dayayaan in ay la macaamilaan shacabka Tigreega xilli ay gaajoonayaan.”
Wareysi uu siiyay Reuters maalintii Khamiistii, Lowcock waxa uu sheegay in askarta Eritrea iyo dagaalyahannada gudaha ay si ula kac ah u horjoogsanayaan in sahay la gaarsiiyo in ka badan 1 milyan oo qof oo ku nool meelaha aan ku jirin gacanta dowladda. “Cunnada ayaa loo adeegsaday sidii hubka dagaalka oo kale,” ayuu yiri.