
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Howlgalada waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaano dhowr ah oo ay ka mid yiiin tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi oo ah deegaano hoos yimaada degmada Janaale.
Saraakiil ka tirsan guutada 14-ka Oktobar oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in howlgalada aay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.