Gudiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta la kulmayerdo ka socdey Qaramada Midoobey oo u qaabilsan taageerada doorashooyinka.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.
Ergedan ka socotay Qaramada Midoobay ayaa u balan qaaday Xubnaha Gudiga inay kala Shaqeyn doonaan howlahooda ku saabsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka ee uu u igmaday Ra’iisul Wasaare Rooble.