Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Howl-galka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey kooxo habeen ka hore nin muruq-maal ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi.
Taliyaha Booliska magaalada Caabudwaaq, Farxaan Xasan Xuseen oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada Odowaa Axmed oo lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmadaasi.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga guud ee magaaladaasi.