Midowga musharixiinta oo soo dhaweeyey gudigii loo saarey baaritaanka dhalinyaradii loo qaadey Eriteria

0
176

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray guddigii maalin ka hor uu magacaabay Raysal wasaataha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iney baaritaano kusoo sameeyaan xaalada ay ku sugan yihiin ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaas oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa bayaanka kasoo baxay ku sheegay iney soo dhaweynayaan go’anka Raysal wasaare Rooble uu ugu magacaabay guddi soo baara arrintaasi oo aay sheegeen inay tahay lalaabo loo baahnaa oo waqtigeeda kusoo beegantay.