Alshabab oo sheegatey masuuliyada qarixii maanta ka dhacay albaabka xerada jeneraal dhego badan

0
62

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo maanta barqadii lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonaysay in qortaan ciidamada xoogga dalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 40 askari lagu dilay weerarkaas oo naftii hallige katirsan kooxda Alshabaab uu ka geystay xerada General Dhaga badan ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dhalinyaradan ayaa ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, halkaas oo ay ku sugeyeen baaritaanka ka hor inta uusan soo dhex galin qof naftii hallige ah.

Alshabaab ayaa sheegay dhalinyaradan ay beegsadeen in ay ku biiri lahaayeen Ururka sagaalaad ee ciidamada.