Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lala beegsaday dhalinayro ah oo dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.
Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa uu isku dhex qarxiyay dhalinyaradan xilli ay safaf ugu jireen in loo qoro ciidan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in goobta laga qaaday in ka badan maydka 10 dhalinyaro ah iyo dhaawac intaas ka badan.
Illaa hadda ma jiro wax wara oo kasoo baxey dawladda federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada Gen. Dhego badan.