Taliyaha ciidanka xooga dalka oo ka hadley qaraxii maanta ka dhacay afaafka xerada jeneral dhego badan

1
146

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena ay ku dhaawac 20 kale.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu hadalkiisa ku daray in dhalinyarada sugayeen Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof is qarxiyay, isla markaana haatan ay wadaan baaritaano dheeri ah.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qaraxyo ismiidaamin ahaa lagu weeraray Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee degmada wadajir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askarta ku tababaraneysay Xeradaas.

1 COMMENT

Comments are closed.