Maamulka gobolka banaadir oo amar cusub kusoo rogey gaadiidleyda ka shaqeysa magalada

0
68

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar cusub kusoo rogay dhamaan Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee lagu dhex wato gudaha caasimadda.

Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee gobolka ayaa faray in gaadiidka kuwa garka loo leeyahay iyo kuwa Madaxda ay wataan in loo sameeynayo Sharciga gaadiidka, sida Buuga iyo Aqoonsiga Darawalnimo.

Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in arrintaan ay u sameynayaan sidii kor ugu qaadi lahaayeen amaanka caasimada iyo bad-qabka waddo marista.

Sidoo kale waxa uu xusay inay u qorsheysan tahay in wadooyinka magaalada Muqdisho ay keenaan Ciidamo dheeraad ah oo xirfad u leh marista wadooyinka oo muddooyinkii ay shilalka kusoo bateen.