Wefdi ka socda qaramada midoobey oo boogdey magalada xudur

0
128

Wafdi ka socota Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ee samafalka ka shaqeeya iyo arrimaha gargaarka bani aadanimada ayaa u kuurgalay xaaladda nolaleed ee magaalada Xuddur oo Alshabaab u go’doonsan muddo 10 sano ku dhow.

Wefdiga ayaa kormeerey xeryaha barakacyaasha ee ku yaala daafaha magaalada Xuddur, halkaas oo ay ku nool yihiin kumanaan shacab ah oo Alshabaab ka soo barakiciyeen tuulooyinkooda.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeer indha indheyn ah ku sameeyay qaar kamid ah suuqyada magaalada Xuddur oo xilligan gabaabsi ka yihiin cuntooyinka quutul daruuriga ah.

Wefdiga waxay kulan la yeesheen maamulada degmooyinka Xuddur, Tayeglow iyo Rabdhuure, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha amni iyo tan bani aadanimo ee ka jirta gobolka Bakool.