Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa warbixin dheer oo ay soo saareen manta ku sheegay in Canada ay xirto kumannaan magangelyo doon ah sanad walba, kuwaasoo la kulma xaalada adag, halka dadka leh midbka ee aga tirada badan yahay lagu hayo xabsiga muddo ka badan kuwa kale.
Labada hay’ad oo soo saaray warbixin wadajir ah ayaa ka hadlay xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka kujira xabsiyada laanta socdaalka kuwaasoo ay ku jiraan dadka kasoo cararay daldalaad ee badbaado ka ffilaya Canada. Dadka ayay hay’aduhu sheegeen inla jeebeeyo, inyar oo kaliyana ay helaan inay xiriir la sameeyaan bannaanka.
Warbixinta oo ka kooban 100 bog ayaa lagu sheegay in dadka xabsiyada lagu hayo bilooyin iyo sanado, gaar ahaan dadka madow oo xirnaada muddo dheer.
Warbixinta ayaa lagu xusay in intee u dhexeysay bishii April ee sanadkii 2019 ilaa iyo bishii march ee sanadkii tagay Canada lagu xiray 8,825 qof uu da’doodu u dhaxeysa 15 sano jir ilaa 83 sano jir, kuwaasoo meelaha lagu xiray ay kujiraan 1,932 xabsi oo ku yaalla gobollada.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in isla xilligaas 136 carruur ah lagu hayay xabsiyada si looga baaqsado in laga fogeeyo waalidkood oo xirnaa, kuwaasoo ay kujiraan 73 carruur oo ka yaraa lix sano.
Labada hay’ad ayaa xusay in inkabadan 300 oo qof xabsiga lagu hayay wax ka badan halsano tan iyo sanadkii 2016-kii.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay wareysiyo lala yeeshay 90 qof oo isugu jiro dad horey loo xiray, ehellada dadka, khubarro ka shaqeeya cudurrada dhimirka, qareenno, aqoonyahanno, ururrada bulshada iyo saraakiil ka tirsan dowladda.
Xoghaya guud ee Amnesty International ee Canada Ketty Nivyabandi ayaa sheegeysa in dhibaatooyinka ka jira xabsiyada laanta socdaalka uu ka hor-imaanayo kala duwanaanshaha, qiyamka iyo sinnaanta lagu yaqaanno Canada.
Ketty ayaa sheegtay in Canada ay aheyd inaysan ka dhicin midabtakoor iyo dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha ee loo geysanaya dadka imaanaya Canada ee raadianaya nabadgelyo iyo nolol wanaagsan.
Waxey intaasi ku dartay in Human Rights Watch iyo Amnesty International ay Canada ugu yeerayaan inay joojiso dhibaatooyinka dadka soogalootiga iyo qaxootiga loo geysanayo iyo in ugu dambeyn lasoo afjaro xabsiyada socdaalka.
Wakaaladda adeegga xuduudda Canada ayaa bogga ay ku leeyihiin internet-ka ku sheegtay in dadka xabsiga loogu hayo siyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin haddii ay dambiyo galeen ama in ay qatar ku yihiin dadweynaha iyo amniga Canada.
Wakaaladda ayaa sheegtay in sanadkii 2016-kii ay soo bandhigeen maalgalin shan sano ah oo ay ku kaceysay 138 milyan oo dollar-ka Canada ah, taasoo lagu hagaajinayo nolosha shakhsiyaadka xiran, iyadoo la ilaalinayo badqabka dadweynaha.