Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed oo mar kale booqdey degmada waajid

0
220

Hogaamiyaha maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Cabdicasiis oo faah faahin ka bixiyay safarkiisa ayaa sheegay in marka hore ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee Golaha degaanka degmada Waajid.

Sidoo kale Cabdicasiis ayaa sheegay in Golaha degaanka ee degmada Waajid loo dhisay ay qeyb ka heyd balanqaad uu sameeyay safarkii kan ka horeeyay ee uu ku tegay degmadaas.

Ma aha safarkani safarkii ugu horeeyey ee dhanaca cirka ah ee uu cabdicasiis ku tago degmada waajid iyada oo la ogsoon yahay in guud ahaan gobolka bakool ay godoon ugu jirto alshabab dadkana ay ku nool yihiin nolol aad u danradan oo waxka qabasho u baahan.