Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu saxiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay.
Waraaq kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha oo si gaar ah ugu socotay ra’iisal wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada, beesha caalamka, mucaaradka iyo bulshada rayidka, ayaa waxaa looga horyimid shuruucdaasi oo aan la horgeyn Aqalka Sarre, islamarkaana uu saxiixay Farmaajo.