Wafdigan uu hoggaaminayo Safiirka wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga Danjiraha Sweden ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Baledweyne kuso dhaweeyay madaxda maamulka Hirshabeelle, kan gobolka iyo degmada, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Soo dhaweynta kadib waxay kormeer ku tageen wafdiga deegaanka Hilikilyo oo ka mid ah deegaanada laga hirgeliyay biyo xireenada fatahaada wabiga Shabeelle, halkaaso aheyd meelaha ugu daran ee wabiga karkaarada ka jabsan jiray sanadahii lasoo dhaafay.
Ujeedada wafdigan Baledweyne usoo gaareen ayaa lagu sheegay iney tahay ka qeyb qaadashada wax ka qabashada arrimaha fatahaadaha ee kusoo laablaabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.