Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen degaano hoostaga degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallo ka wadeen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanada Warciise, Qordheere iyo degaano kale kadib markii degaanadaas ay isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Degaanada ay Al-Shabaab la wareegeen ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda ay si awood ah ula wareegay, balse markii dambe ay isaga baxeen.