Wefdi ka socdey wasaarada caafimaadka dalka turkiga oo soo gaaray magalada muqdisho

0
64

Wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga oo uu hoggaaminayaay Dr Cevdet Erdol ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga ayaa ka wadahadlay sameynta sharciga jihaynta Caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socday wasaaradda Caafimaadma dalka Turkiga ayaa balan qaaday iney door weyn ka qaadan doonaan horumarka iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey wafdiga Caafimaad ee ka socday dowladda Turkiga sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka somaaliyeed.