
Ciidamada itoobiyaanka iyo xubno ka tirsan alshabab ayaa maanta ku dagaalamay degmada xudur ee gobolka bakool dagaalkaasi kaasoo geystey khasaaro kala duwan
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay weerar ku bilaawday madaafiic lagu qaaday saldhiga Ciidamada Itoobiya ay ka ilaaliyaan Xarunta Gobolka Bakool ee degmada Xudur.
Dadka ku nool degmada Xudur oo culeys dhinaca go’doonka ah dareemayay 10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay sheegeen in meelo kamid ah degmada ay kusoo dhaceen raasta ay is weeydaarsanayeen labada dhinac balse wax qasaaro ah kasoo gaarin.
Sidoo kale waxaa la sheegay in intii uu socday dagaalka ay Ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, waxaana weli si rasmi ah loo xaqiijin qasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.